Itoobiya oo Digniin adag u dirtay Dowlada Sudan iyo Xiisada labada dal oo sii xoogeesatay

Xiisada u dhaxeysa dowladaha Sudan iyo Itoobiya ayaa sii xoogeesanaya ,kadib markii dowlada Sudan ay ciidamo badan geesay xadka ay la wadaagto Itoobiya gaar ahaan dhul labada dal ay isku heestaan.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in uu ka dhamaaday dulqaadka kadib markii ay fashilmeen wadahadalo la doonayay in lagu xaliyo xiisada labada dal, waxa ayna dowlada Itoobiya digniin adag u dirtay dhigeeda Sudan.

Ciidamada Sudan iyo kuwa Itoobiya oo taageeraya maleeshiyaad Itoobiyaan ah ayaa marar badan ku dagaalamay deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraley Itoobiyaan ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada Sudan ay hurineyso colaad, waxa uuna xusay in Xukuumada Adis Ababa uu dulqaadka kasii dhamaanayo.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in aysan ku deg degi doonin dagaal ee la galaan dowlada Sudan, waxa uuna tilmaamay in ay ka shaqeenayaan in xiisada lagu dhameeyo qaab diblumaasiyadeed.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.

“Waxaanu ka cabsi qabnaa in hadalada kasoo yeeraya Itoobiya ay yihiin kuwa xanaf leh oo damqaya Sudan, waxaan Itoobiya weydiisaneyna inay joojiyaan weerarka ka dhanka ah madaxbanaanida dhuleed ee Sudan iyo beeraleyda Sudan,” ayuu wasiirka warfaafinta ee Sudan.

Dowlada Sudan ayaa sheegtay dhamaadka bishii hore in ay la wareegeen dhul beeraley ah oo heesteen dad Itoibiyaan, halka dowlada Itoobiya dhankeeda sheegtay in Sudan ka faa’iideesatay colaada ka taagneed gobolka Tigrey sidaasna weerar kusoo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -